Xizbul Islaam oo amar ku bixisay in Wariyayaasha ay Bisinka ama Allaahu Akbar ku bilaabaan wararkooda.
Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Kooxda Xizbul Islaam ayaa maanta amar ku siiyay suxufiyiinta in ay Bisinka ku bilaabaan dhammaan wararka ay dirayaan.
Suxufiyiinta ayaa waxaa loo sheegay in ay qaataan amarkaasi islamarkaana ay ku bilaabaan wararka ay diryaan Bisinka ka dibna ay yiraahdaaan Allaahu Akbar sidaana wararka ay u diraan.
Amarkan ayaa ka soo baxay maamulka Xizbul Islaam Afgooye kuwaasi oo shalay sii daayay Laba wariye oo muddo laba maalmood ah ay xabsiga ku haysteen.
Amarkan suxufiyiinta ay saareen Xizbul Islaam ataa waxa uu imaanayaa xilli horay ay u faareen in Heesaha ay joojiyan Idaacadaha Muqdisho waxaana amarkan uu yahay mid saxaafada lagu saarayo cculeys si ay u tabiyaan wararka raali galinaya Islaamiyiinta wallow sharciga saxaafada uu dhigayo in an kooxna loo eexan balse amarkooda la tixgalinayo si shaqada ay u sii socoto.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments