Xizbul Islaam ka jawaabtay hanjabaad shalay ka soo yeertay Dowlada Soomaaliya.
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay iska difaacayaan weerar kasta oo ka yimaada dhanka Dowlada Fd Soomaaliya.
Sheekh Maxamed Macalin Cali Madaxa Warfaafinta Xizbul Islaam oo maanta Saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhammaan Gobolada dalka ay ka difaacayaan in ay gacanta ku dhigaan Ciidamada Dowlada.
Madaxa Warfaafinta Xizbul Islaam Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ay ka warhayaan hadal shalay uu ku hanjabay Afhayeenka Ciidamada Militariga Dowlada KMG ah balse ay Xizbul Islaam diyaar u yihiin difaacida Gobolada.
Sheekh Maxamed Macalin ayaa sheegay in Gobolada dalka ay joogaan Ciidamo klu filin difaaca islamarkaana ay iskaashanayaan Mujiihidiinta si aan meel looga soo galin gobolada ay ka taliyaan.
Hadalka Masuulka Xizbul Islaam u hadlay ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib war uu shalay sheegay Afhayeenka Ciidamada Militariga Dowlada Soomaaliya oo ku aadanaa in ay la wareegayaan ammaanka Gobolada Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments