read more »">
Calendar

Xizbul Islaam iyo Dowlada oo guula ka sheegaty dagaal Shacab ay ku la’deen.

QaraxHaweenBartamaha (Muqdisho):- Kooxda Xizbul Islaam iyo Dowlada KMG ah ayaa guula balaaran ka kala sheegtay dagaal dad badan ay ku la’deen oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaal ay ku dhinteen in ka badan 20-ruux 55-kalana ay ku dhaawacmeen ayaa shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay guula balaaran ka kala sheegteen Kooxda Xizbul Islaam iyo Dowlada KMG ah.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay Degmooyinka Hodon,Howl-Wadaag iyo Wardhiigley waxaana aad loo duqeeyay Degmooyinka Kaaraan,Boondheere iyo Yaaqshiid oo dhammaan ay dadka shacabka ah ku la’deen.

Afhayeenka Howlgalada Dagaalka Ee Kooxda Xizbul Islaam Maxamed Ibraahim Caruus ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaalka shalay masuuliyadooda lahaayeen islamarkaana ay guul balaaran ka gaareen dagaalkaasi.

Caruus waxa uu sheegay in ay qabsadeen xaafada badan oo ka mida Degmada Hodon oo aad ugu dhow Saldhigyada Ciidanka Amisom ee gudaha xaafadahaasi ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka Dowlada.

Sargaalkan waxa uu ku faanay in ay ka talaabsadeen maydadka Askarta Dowlada isagoo xusay in ay laayeen Saraakiil badan iyo Ciidan ka tirsan kuwa Amisom oo madaafiic ay ku dileen sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta Dowlada KMG ah Sheekh C/risaaq Qeylow ayaa saxaafada u sheegay in dagaalka shalay ay soo qaadeen Kooxaha Nabada diidan islamarkaana ay dhankooda ka guulaysteen Kooxahaasi.

Afhayeenka waxa uu cadeeyay in dagaalka uu ku soo dhawaaday saldhigyada Dowlada markii shacabka dhexdiisa ay weerar ka soo qaadeen Kooxda Xizbul Islaam sida uu ku dooday balse ay dib u caabiyeen Kooxdaasi.

Qeylow waxa uu qiray dhankooda in qasaara uu soo gaaray isagoo sheegay in ay dib u jabiyeen Kooxdii weerarka soo qaaday oo uu ku Eedeeyay in ay shacabka Madaafiic ku laayeen si Dowlada loogu qabsado Qasaaraha shacabka.

Hadalada guula kala sheegadka ah ee ka soo kala yeeray Dowlada iyo Xizbul Islaam ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho dadka dagan ay shalay arkayeen shacab ku la’anaya Madaafiicda iyo rasaasta labada dhinac waxaana weli jira baqdin la xiriira in ay sii socdaan dagaalada gudaha Bisha Ramadaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: