Xizbul Islaam iyo Dowlada oo guula ka kala sheegtay dagaal qasaara sababay oo maanta dhacay.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Xizbul Islaam iyo Dowlada KMG ah ayaa guula ka kala sheegtay dagaal shacab ay ku dhinteen oo manta ka dhacay Degmada Hodon.
Sheekh Maxamed Cabdi Caruus afhayeenka dagaalada Xizbul Islaam oo saxaafada la hadlayay markii dagaalka uu joogsaday ayaa ku faanay in ay cuuryaamiyeen isku day isbalaarin.
Afhayeenka Kooxda Xizbul Islaam waxa uu intaasi ku daray in ay guul balaaran ka gaareen dagaalka islamarkana ay laayeen Ciidamo badan oo doonayay in ay qabsadaan guud ahaan fariisinada Mujaahdiinta sida uu hadalka u dhigtay.
Maxamed Caruus ayaa sheegay in dagaalka maanta uu ahaa mid ay soo qaadeen Ciidanka Dowlada si ay dhul balaarsi u sameeyaan balse dib loo caabiyay.
Dhanka Kale Afhayeenka Wasaarada Warfaafinta C/risaaq Qeylow oo dhankiisa u hadlay Dowlada waxa uu sheegay in dagaalka ay guul dowlada ka gaartay oo ay iska caabisay weerarka Kooxda Mucaaradka ah.
Qeylow waxa uu intaasi ku daray in ay Ciidanka Dowlada difaac ku jiraan oo aanay xiligan weerar qaadin balse dhawan dalka laga sifayn doono Kooxaha qaska ka wada magaalada.
Dagaalka ay guulaha ka kala sheegteen labada dhinac ayaa waxaa jira shacab qasaara ay ka soo gaartay kuwaasi oo la dhigay isbitalada Muqdisho iyadoo dhimashada maanta kaliya ay marayso 4-qof in ka badan 6-qof oo dhaawacmayna la dhigay isbitalka Madiina.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments