Xizbul Islaam Hiiraan oo Ciidamo geysay Deegaanka Bacda Ee Gobolka Hiiraan.
Bartamaha(Baladweyne):-Koxda Xizbul Islaam ayaa ciidamo badan geysay Deegaanka Bacda oo ay dhawaanahan daganaayeen Maleeshiyaad xiriir la leh Ahlu sunnah Wal Jamaaca.
Ciidamo badan oo laga qaaday Baladweyne ayaa saacadihii la soo dhaafay la geeyay Deegaanka Bacda oo dhacda wadada xiriirisa Matabaan iyo Kalabayr Gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaad beeleed xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Ahlu sunnah ayaa gacanta ku hayay deegaankaasi wallow shalay ay isaga carareen markii alshabaab ay qabsaden Matabaan.
Sargaal u hadlay Xizbul Islaam Hiiraan oo lagu Magacaabo Maxamed Wehliye Odawaa ayaa sheegay in dhawaan ay gaarayaan Deegaano badan oo ka mida galgaduud.
Sargaalkan ayaa sheegay in ay weerar ku yihiin dhammaan Magaalooyinka Gobolkaasi Galgaduud oo ay ka saarayaan Maleeshiyada Ahlu sunnah Wal Jamaaca oo haatan ka talisa Gobolkaasi.
Ciidamada la geeyay Deegaanka Bacda ayaa waxa ay qeyb ka yihiin abaabulo ay wadaan maleeshiyada Xizbul Islaam oo ay ku doonayaan in ay meelo kooban ka qabsadaan Gobolka Galgaduud oo Alshabaab ay weeraro ku hayso.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments