Xizbul Islaam Gedo oo shaaca ka qaaday in Axmed Madoobe aanu ka tirsanayn.
Bartamaha(Luuq):-Maamulka Xizbul Islaam shalay looga dhawaaqay Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in aanay aqoonsanayn Axmed Madoobe.
Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Xizbul Islaam Gedo Sheekh Farxaan Ciilmooge ayaa shaaca ka qaaday in maamulkooda uu ka madax banaanyahay Xizbul Islaam qeybta dagaalka ku jirta.
Ciilmooge ayaa sheegay in Sheekh Axmed Madoobe aanu ahayn Mujaahid balse uu yahay nin dagaal yahan ah oo qaab qalba wax kula dagaalama.
“Anaga Xizbul Islama Gedo ahaan ma aqonsin shaqada Axmed Madoobe mana u naqaan nin Mujaahid ah maadaama uu fitno ka dhex kiciyay Mujaahidiinta..’ ayuu yiri Gudoomiyaha Cusub ee Gedo.
Sheekh Ciilmooge ayaa sheegay in aanay la shaqeyn doonin cid kasta oo kala geynaysa Mujaahidiinta balse ay doonayaan shaqada in la sii wado oo shacabka shareecada lagu dhaqo.
Hadalka Masuulka Cusub ee maamulka ka madaxa banana Xizbul Islaam inteeda kale oo shalay looga dhawaaqay Gedo ayaa imaanaya xilli Gobolkaasi ay ku xooganyihiin Alshabaab oo laga yaabo in Kooxdaasi ay ku biiraan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments