Calendar

Xizbul Islaam Balad-Weyne oo qiratay in dilal bareer ahay ka dhacaan Magaalada B/Weyne.

 

xizbul IslaamBartamaha(Balad-Weyne):-Maamulka ururka Xizbul Islaam  Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan Koox dilal ka geysatay Magaaladaasi.

Sheekh Shuuriye Faarax Sabriye Gudoomiyaha Xizbul Islaam Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan koox dilal bareer ah ka geystay Magaaladaasi.

Sheekh Shuuriye aya sheegay in Kooxda dilka geystay ay ahaayeen dhalinyaro deegaanka ah balse aan weli lagu guulaysan in gacanta lagu soo dhigo.

Gudoomiyaha Xizbul Islaam Balad-Weyne ayaa qiray in dilalka ka dhaca Magaalada ay ka danbeeyaan Koox u adeegaysa Ethiopia iyo Dowlada si deegaanka qas looga sameeyo.

Masuulkaasi ugu sareeya Xizbul Islaam Gobolkaasi Hiiraan ayaa waxa uu qiray in ammaanka Magaalada B/Weyne uu faraha ka sii baxayo oo aan la isku halayn Karin balse ay Howlgalo samaynayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: