Xizbul Islaam ayaa ku Eedeysan Sirdoonka Dowlada Fd soomaaliya Dilkii Xalay loo gaystay Sargaal dhawaan ka soo gaystay dowla .
Bartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Gudaha Ee Kooxda Xizbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa waxa uu si kulul kaga hadlay dilii qorshaysnaa ee xalay loogu gaystay Bakaaraha Sargaal ka mid ahaa Kooxdooda .
Sheekh Muuse ayaa sheegay in dilkii xalay loo gaystay Macalin C/Qaadir Xamza Qataatow ay si toos ah kaga danbeeyeen ciidamada dowlada Fd soomaaliya gaar ahaan qeybta sirdoonka oo uu sheegay in ay qorshaha dilkaasi ay dhankaasi laga soo maleegay.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in kooxda Dowlada Fd soomaaliya ay doonayso in ay dilka xalay dhacay ay ku cabsi galiyaan raga raba in ay ka soo goysaan ciidamada dowlada Fd oo ay haatan ku jiraan.
Masuulkaasi u hadlay Xizbul Islaam ayaa sheegay in Sheekh Qataatow uu dowlada Ciidamadeeda xilli ka mid ahaa balse uu haatan isku soo dhiibay kooxda Xizbul Islaam ka dib markii uu gartay dhibaatada iyo hagardaamada ay wado dowlada Fd soomaaliya sida uu sheegay afhayeenka Xizbul Islaam.
Eedayntan ka soo yeertay masuuliyiinta ka mid ah kooxda Xizbul Islaam ayaa timid ka dib markii xalay dil bareer ah lo gaystay Sargaal dhawaan u galay xizbul islaam kaasi oo aan illaa haatan wax jaga ah ka qaban kooxdaasi.
Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca lagu eedeeyay dilka xalay dhacay oo ah xagga dowlada Fd soomaaliya saraakiishooda xagga ammaanka ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments