Xizbul Islaam “Xeelad dagaal ayaan uga baxnay Beledweyne…â€.
Bartamaha(B/Weyne):-Xizbul Islaam ayaa daaha ka qaaday in ay xeelad dagaal uga baxday Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.
Afhayeenka Maamulka Kooxda Xizbul Islaam Ee Gobolka Hiiraan Sheekh Maxamed Odawaa ayaa  sheegay in uu joogo meel u muuqata Baladweyne oo xeelad ay uga soo bexeen.
Sargaalkan ayaa sheegay in Xeelad dagaal iyo shacabka oo ay ka naxayeen ay uga soo bexeen Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan.
“Xeelad dagaal ayaan uga baxnay Magaalada Baladweyne…dhawaana waan ka saaraynaa Kooxdaasi hadda soo gashay anagoo shacanka badbaadinayna…†ayuu yiri Sargaalkaasi.
Sargaalkan ayaa intaasi ku daray in dagaal ay u diidanaayeen shacabka magaalada oo dhawaanahan ka barakacayay fatahaada wabiga shabeele.
Hadalka sargaalkaasi ayaa imaanaya xilli dagaalo ay weli ka jiraan magaalada o dhanka galbeed ay isku hayaan Alshabaab iyo Ahlu sunnah.
Xafiiska Wararka www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments