Xildhibaano Xalay ka badbaaday Qaraxyo lagu weeraray.
Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano ka mida Baarlamanka ayaa Xalay ka badbaaday isku day dil markii Qaraxyo lala beegsaday xilli ay ku sugnaayeen gudaha Muqdisho.
Xildhibaanada oo ku shaah cabayay banaanka Hotelka Madina Degmada Xamar Jajab Muqdisho ayaa loo taraarixiyay Bambooyin nuuca gacanta laga gano ah.
Bambooyinka ayaa waxa ay haleeleen Gawaari ay lahaayeen Xildhibaanada oo bur bur balaaran uu soo gaaray waxaana badbaaday Mudanayaashii la doonayay in qaraxa lagu dilo.
Labada Bam Gacmeed kooxda soo toortay ayaa isaga carartay goobta ay ku qarxiyeen Mudanayaasha waxaana bilowday rasaas ay jiha waliba u rideen ilaalada Hotelkaasi.
Ma aha markii ugu horeysay ee qarax nuucaani ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho waxaana marar badan Bambooyin lagu tuuray Hotelkaasi Madina oo ay mudanayaasha Baarlamanka daganyihiin.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments