Xildhibaano madaxwaynaha Somalia uga baxay gollaha Baarlamaanka Soomaaliya Maanta
BARTAMAHA – Wararka ka imaanaya Xarunta Golaha shacabka Ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Kulan balaaran oo ay ka qayb galayaan madaxda sare Ee Dalka sida Madaxweynaha Gudoomiyaha baarlamaanka iyo ra,iisul wasaaraha ay Xildhibaanadu ku leeyihiin Xaruntooda waxaana kulankaas la soo sheegayaa in uu yahay kulna Baroordiiq ah oo loogu tacsiyadeynayo dadkii ku dhintay iyagoo Baarlamaanka difaacaya .
Kulanka oo uu shir Gudoominayo Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa waxaa uu yahay mid hada socda waxaana Gudoonku uu u sheegay Xildhibanaada in loo baroor diiqayo askartii ku dhimatay Weerarkii xarunta baarlamaanka .
Xildhibaanada qaar ayaa la arkayay markii madaxweynuhu soo galay xarunta iyagoo iskaga baxaya shirka isla markaana sheegaya in Madaxweynaha in uu is casilo ay sharci tahay waxaana oo uusan soo hor fariisaneyn isagoo Xilka haya sida ay sheegayeen Gudoomiyaha baarlamaanka oo ka hadlay ayaana sheegay in usan jirin Xildhibaan la qasbayo Xildhibaankii Doonayaana uu iska Bixi karo kii rabaana uu joogi karo .
Madaxweynaha iyo Ra,iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa in ay hadal tacsi ah ka jeediyaan Kulnaka isla markaana ay ka hadlaan weerarada soo lab laabtay Ee lagu qaadayo xarumaha Dowladda iyo Goobaha kale Ee Shacabku ku badan yahay Waxaana laga warsugayaa wixii ka soo baxa Kulnaka oo socda Xiligaan .
Comments
comments