Xildhibaano maanta isbitaalada Muqdisho deeq lacago ah gaarsiiyay.
Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta lacag deeq ah gaarsiiyay Bukaano jiifa xarumaha isbitaalada magaalada Muqdisho.
Isbitaalada Madina iyo isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir ayaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia aay maanta dad ku sugan halkaasi u qeybiyeen lacago Sh.So ah oo aay Sheegeen inay jeebabkooda ka soo ururiyeen.
Xildhibaanad Maryan Sheikh Cismaan oo ka mid aheyd xildhibaanadii maanta isbitaalada Muqdisho deeqda gaarsiiyay ayaa sheegtay in lacagahaani aay gaarayeen ku dhawaad 40 malyan Kuwasi oo aay ku caawinayan dadka dhibaateysan isbitaalada Muqdisho.
“Lacagtaan jeebkeena iyo walaalaha somaliyed jeekooda ayay ka timid waxaana aan maanta siinay Ciidamo dowlada ka tirsan oo dhaawacyo ka muuqdeen mar haddi aan goobta tagnayne waxaa Nala xumaatay inaan ciidanka kaligiis aan siinaa sidaa daraadeed ayaan dadki oo dhan ugu Qeybinay”sidaasi waxaa warbaahinta u sheegtay Xildhibaanad Maryan Sheikh Cismaan.
Masuuliyiinta isbitaalada Madina iyo Banaadir ayaa si aad ah kaga mahad celiyay lacagaha la soo Gaarsiiyay dadka masaakiinta ah eek u sugnaa isbitaaladaasi.Sidoo kale qar ka mid ah dadkii Lacagaha la gaarsiiyay ayaa dhankooda soo dhaweeyay.
xafiiska wararka bartamaha: muqdisho
Comments
comments