Xildhibaano ku baaqay in Maalinta Berita ah xilka laga qaado Aadan Madoobe.
Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in xilka laga qaado Sheekh Aadan Madoobe oo aanay berito la dhaafin sii haynta xilkaasi.
Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel oo ka mida Mudanayaasha Baarlamanka ayaa ku baaqay in maalinimada Berita ah aanay la dhaafin xilka uu sii haayo Sheekh Aadan Madoobe.
Xildhibaankan ayaa waxa uu sheegay in ay tahay sharci daro haddii lagu sii eegto xilkaasi Sheekh Aadan Mdoobe isagoo xildhibaanada ka codsaday in Berito aanay ka baaqan shirka.
Xildhibaankan ayaa waxa uu xusay in Waqtiga uu u dhammaaday Aadan Madoobe isagoo ka codsay Xildhibaanada in ay sii diyaariyaan ninka ugu da’da weyn Baarlamanka.
Maalinimada Axada ah oo berito ku began ayaa loo balansanyahay in uu dhaco shirka guud ee Baarlamanka Soomaaliya iyadoo aan la ogayn in uu dhici doono iyo in kale
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments