Xildhibaano ka tirsan Dowladda FKMG Oo Ku Baaqay in la tirtiro Qodobka Awood Qebsiga Ee 4.5-ka
Mugadisho/Bartamaha: Xildhibaano ka tirsan Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa shalay kulan ku qaatay Magaalaad Muagdisho ku baaqeyn in wax laga badalo Awodo Qeybsiga Doaldad FKMG Soomaalia Ee 4.5.
Mudanayaashii Kulankan ku qabtay Magaalada Muagdisho waxa ka mid ahaa Xildhibaan Cali Aadan oo ku nuux nuuxasaday in Kulankooda ajandihiisu uu ugu muhiimsanaa sidii meesha looga saari lahaa Qodobka Awod Qeybsiga Ee 4.5,
Kulankani ay qaateen Xildhibaanada Baarlamaanka ayee ku sheegeen in xiligan lagaraaya waqtigii wax laga badali lahaa awood qeybsiga Ee Dowladda wax ku qebsato Ee 4.5-ka waxayna dood badan kadib ay soo bandhigeen Mudanayaashii Shalay kulmay. in qodobkasi wax laga badalo.
“Waxaan Dowladda FKMG ugu baaqeynaa in la tirtiro qodobka awood qeybsiga Ee 4.5-ka, waxaa doorbidaynaa in qoodobkaasi sharciga Dowladda laga badalo gabi ahaan” ayuu yiri Xildhibaan Clai Aadan.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa qiray inay isku soo hadal qaadeyn Mudanaaysaahii ku shiray Mugadisho, haddi ay helaan Mushaaroodkooda inay qeyb ka dhiibii doonaan Caawinaadda Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya.
“Waxaan sidoo kale kusoo hadal qaadnay intii uu kulankan uu socady ina ka qeb qadani sidii aan u gargaari laaheyn Shacabka ku saameesay Abaaraha Dalak ka jira, wali maanan helin Mushaareedkeena haddii aan helno qeyb lixaad ah ayaa ak qaadaynaa Dhibaatada Abaaraha Soomaaliya ak jira” ayuu yiri Xildhibaan Cali Aadan.
Ugu danabyntii hadalka Mudanayaashan ayaa kusoo beegmaya Xilli Dalk a Soomaliya laga ansixyay Qodobkan awood Qeybsiga E 4.5 Xilligii uu dalka Madaxwayne ka ahaa Dr, C/Qaasim Salaad Xasan, iyadoo ilaa iminka aan qodobkaasi la badalin oo wali awood qeybsiga Dalka Kaalin weyn ka galay.
www.Bartamaha.com
Comments
comments