Calendar

Xildhibaano iyo masuuliyiin farabadan oo Soomaaliyeed oo hawl galkii xalay ee Nairobi lagu xirxirey ayaa weli ku jira xabsiyada Magalada Nairobi.

xildhibaanoCiidamada ammaanka ee dawlada Kenya ayaa xabsiga dhigey inka badan 15 xildhibaan iyo saraakiil kale oo katirsan dawladda soomaaliya sida ay ii xaqiijiyeen ila ku dhaw dhwa dadka xabsiga la dhigey.

Waxa ku dhaw 300 ruux oo Soomaaliya ayay habeenimadii xalay ahayd xabasiyada u taxaabeen ciidamada ammaanka Kenya oo isugu jirey cutubayada booliiska iyo Ciidamada rabshadaha la dagaalama ee loo yaqaano General Service Unit, Dadkan ayaa waxay badankoodu ahaayeen dad soomaaliyeed oo ku noolaa xaafada Islii oo ah xaafadda Soomaalidu ay caanka ku tahay ee ay ka degto magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Xildhibaano soomaaliyeed oo gaaraya ilaa iyo 15 xildhibaan ayaa kamid noqday dadkii xalay hawlgalkaasi lagu qabqabtay, iyadoona xildhibaanadaas la iiga xaqiijiyay inuu kamid yahay mudane Cabdiraxmaan Salaad Qoryooley, sidoo kale waxaa dadka xabsiga la dhigey kamid ah taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka soomaaliyeed General Yuusuf Cusmaan Xuseen oo loo yaqaano “Dhuumaal” iyo sidoo kale General Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa generaladii ugu magaca dheeraa wakhtigii ay soomaliya ka jirtey dawladii Maxamed Siyaad Barre, sidaasi waxa warbaahinta u xaqiijiyay safaarada Soomaaliyeed ee magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale dadka la xirey ayaa waxaa kamida shakhsiyaad soomaaliyeed oo qurbaha iyo dalka soomaliya gudihiisa ka yimid islamarkaana deganaa hotelada ay xalay ciidamadu baaritaanada ka sameeyeen.

Hawlgalkan ay ciidamada Kenya xalay ka fuliyaan xaafada islii ee ay somaalidu ka degto magaalada Nairobi ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili maalintii jimcada ahayd mudaharaad ruxay magalada Nairobi uu ka dhacay agagaarka maasjidka jamia Mosque ee ugu weyn dalka Kenya kuna yaalla faras magaalaha caasimada Nairobi.

Sidoo kale dadka la xirey ayaa waxaa kamida Cali Amiin Kimathi oo ah madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee muslimiinta Kenya ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano MHRF, wadaadkan ayaa ahaa masuulkii dawlada Kenya ka soo qaaday ruqsadii uu ku dhacay mudaharaadkaasi oo uu ka soo goostay saldhiga dhexe ee magaalada Nairobi.

Dawlada Kenya ayaa mudaradkaasi ku eedaysay iney ku lug lahaayeen canaasiir ka tirsan kooxda Alshabaab oo kaa jirta dalka soomaaliya dagaal ba,ana kula jirta dawladda taagta darran ee uu hogaamiyo madaxaweyne Shariif Sheikh Axmed.

Proff George Saitoti oo ah wasiirka amniga gudaha ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay in mudaharaadkii jimcadii ruxey magalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ay soo ku luglahaayen kooxda alshabaab, inkastoo alshabaab ay arintaasi gaashanka ku dhufatay islamrakaana qirey ineysan wax lug ah ku laheyn arimihii Kenya ka dhacay.

Ugu dambeyntii hotelada xalay laga galay ayaa waxaa inta badan baaritaan ku sameeya ciidamada ammaanka dalka Kenya, iyadoo laga baarayo dad soomaaliyeed oo ay dawladda Kenya inta badan ku sheegto iney sharci darro Kenya ku soo galaan dalkeeda, islamarkaana ay dhibaatooyin ka geysan karaan gudaha dalka Kenya, iyadoo arintii noocaan oo kale ahayd ee ugu dambeysayna ay dhacday maalmihii xigey 3dii dec oo ahayd markii qaraxii qasaaraha xoogan geystay lagu qaadey hotel shamow oo ku yaalla magalada Muqdisho laguna khaarajiyey soomaali farabadan oo isugu jirey wasiiro, dhakhaatiir, macalimiin jaamacadeed, saxafiyiin iyo ardeydii xafladaaasi damaashadka ah dhiganaysay.

Cabdiqafaar Axmed Shire.
Nairobi, Kenya.

Comments

comments

Category : KENYA, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: