Xildhibaano iyo fanaaniin tagtey Baladweyne [ SAWIRO ]
Xubno ka tirsanbaarlamaanka Soomaaliya iyo fanaaniinta hoboladda Waabari oo ka ambabaxay magalada Muqdisho ayaa tagay magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xildhibaannada ayaa waxa kamid ahaa Saynab Caamir, Aamina Maxamed Cabdi iyo Maxamed Amiin Xasan Aalow, iyadoona ay garoonka kusoo dhaweeyeen maamulka gobolka.
Wafdiga ayaa loo galbiyey xarunta maamulka gobolka iyadoona la geeyay hoyga uu Baladweyne ka dagan yahay gudoomiyaha gobolka.
Amaanka magalada baladweyne ayaa si weyn loo xoojiyey iyadoona ay ka wada qeyb qaadanayeen ciidamada AMISOM eek a socda wadanka Jabuutti iyo kuwa dowlada.
Wafdigan ayaa magalada ka qaban doono barnaamijyo kala duwan oo ugu weyn tahay barnaamij faneed, iyadoona fanaaniinta la socoto ay kamid yihiin Muqtaar Shariif, Shukri Shiino iyo kuwa kale.
[slidepress gallery='xildhibaano-iyo-fanaaniin-tagtey-baladweyne']
Comments
comments