Calendar

Xildhibaano Dagaalada Baladweyne ku tilmaamay Difaacida Gobolka iyo Kacdoonka Shacabka Hiiraan

baarlamanka maantaBartamaha(B/Weyne):-Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa taageeray dagaalada baladweyne oo ay difaac ku tilmaameen.

Xildhibaano badan oo maant ku shiray magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in dagaalada Baladweyne ay hormuud ka yihiin bulshada reer Hiiraan oo lagu difaacayo Gobolkaasi.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Maxamuud “Gaagaale” oo saxaafada la hadlayay ka dib kulanka Xildhibaanada Hiiraan ayaa uu sheegay in dagaalada ka socanayay afartii maalmood ee ugu danbaysayin uu salka ku hayay xureynta Gobolkaasi.

Masuulkaasi ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan ay ku soo duuleen kooxo qas wadayaal ah oo shisheye ah islamarkaana shacabka ay u adkeysan waayeen dagaalada iyo dilalka ay ka samaynayaan Gobolkaasi.

Xildhibaan Gaagaale ayaa sheegay in dhammana wadooyinka magaaladaai ay joogaan Ciidamada Shacabka baladweyne islamarkaana y dhankooda dagaalka wadaan si ay u wiiqaan awooda kooxahaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: