Calendar

Xildhibaano caraysan oo shaaca ka qaaday in Xukumada Sharma’arke ay dhacday.

barlamankkaBartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano shalay laga cuuryaamiyay Kulan ay doonayeen in ay ku yeeshaan Magaalada Muqdsisho ayaa waxa ay sheegeen in ay dhacday Xukumada Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed Woosh oo ku hadlayay Magaca Xildhibaano dhowr ah oo shalay laga hor istaagay in ay ku shiraan Hotel ku yaala Muqdisho ayaa sheegay in Xukumada ay dhacday.

Xildhibaanka oo Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in Xilligeedii uu dhammaaday Xukumada Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid maadaama aanay muddo hor imaan Baarlamanka si loola xisaabtamo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Caburin buuxda la doonayo in la saaro Mudanayaasha Baarlamaanaka islamarkaana Xukumada ay bilowday in ay Ciidan u adeegsato mudanayaasha.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Axmed waxa uu ku dooday in Baarlamanka lagu samaynayo kala qeybin si aanu marnaba u yeelan kulan lagula xisaabtamo Xukumada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xukumada ay dhacday loona baahanyahay in ay kalsooni weydiisato Baarlamanka si mar kale loo dhiso xukumad Cusub.

Hadalka Xildhibaankan ayaa imaanaya xilli maalin ka hor shir ka dhacay Nairobi ay Xildhibaanada ku sheegeen in Xukumada ay dhaqaale badan lunsatay cuurytaamina ku hayso Baarlamaanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: