Calendar

Xildhibaano “Amisom anaga nama ilaaliso ee waxa ay ilaala ka hayaan saddex guri oo Alshabaab aanay wax ku dili Karin”.

amismoBartamaha(Muqdisho):-Xildhibaano ka mida  Baarlamanka Soomaaliya oo manta ku shiray Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aanay u dulqaadan doonin caburinta la doonayo in lagu sameeyo.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in aanay mar dambe aqbali Karin in la soo afduubo islamarkaana shir ay ka qeybgalaan balse waxa ay cadeeyeen in ay sdhirka baarlamanka tagayaan marka la sameeyo Shir gudoon cusub .

Xildhibaanada manta Muqdisho ku kulmay oo gaarayay  illaa 50-Mudane kuwaasi oo isku raacay in aan marnaba laga qeyg\b galin kulan uu shir gudoomiye ka yahay Sheekh Aadan Madoobe.

Mudane Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhooboow oo marka shirka dhammaaday saxaafada war siiyay ayaa sheegay in aanay jirin cid sugta ammaanka Xildhibaanada islamarkaana ay ogyihiin in mudanayaal badan dalka dibadiisa loo diray lacagana la siiyay.

Xildhibaanka ayaa Eedeyay Cidiamada Amisom isagoo sheegay in ay waardiyayaal ka yihiin dhismayaasha ay ku jiraan Madaxweynaha.Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

Xildhibaanka waxa uu u sheegay Midowga Afrika in waajib ka saaranyahay ammanka gud ee Dowlada balse aanay masuul ka ahayn madaxda sare oo kaliya isagoo ku dhaliilay in ay dayaceen dhammaan madaxda kale Ee Dowlada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed Bartamnaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: