Xildhibaanno Duqayntii Bakaaraha Ku Eedeeyeey AMISOM
Harun Maruf (VOA) Xildhibaanadan ayaa sheegay inaysan u adkaysan karin duqaymo noocan oo kale ah oo lagula kaco suuqaaasi. Afhayeen u hadlay xildhibaanada oo lagu magacaabo Bootaan Ciise Caalim ayaa u sheegay saxaafadda in duqayntaasi ay ka dambeeyeen ciidamada AMISOM.
Xildhibaannada ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay ka fogaadaan duqayn tan la mid ah inay dhacdo.
Xildhibaan Bootaan Cisse Caalim ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke inay kala caddeeyaan in duqayntii dhacday maanta ay ku timid amarkooda iyo in kale.
Duqaynta culus ee maanta ka dhacday Muqdishu ayey ku dhinteen ugu yaraan 20 qof oo u badan rayid, in ka badan 60 kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Dhinaca kalena, qof dumar ah ayaa ku dhimatay rasaas ay galabta fureen cidamada Burundi ee ka tirsan kuwa AMISOM. Gabadha oo aan magaceeda la garanayn ayaa la sheegay inay dhimatay kadib markii bas ay la socotay oo marayey agagaarka Tre Piano ay rasaas ku fureen ciidamada AMISOM. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidamada AMISOM oo la xiriira toogashada dhacday fiidnimada.
______
Xigasho: VOA Somali
Comments
comments