Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo doortay Gudoomiye Kumeelgaar ah
Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaanadii maalmahan is jiid jiidka ka dhexeeyay ayaa maanta is raacay iyagoo sameystay Gudoomiyi KMG ah.
Xildhibaanada ayaa maanta si daganaan ah ugu shiray Guriga Umada oo maalin ka hor ay kusraasta ku istaageen banaanbax la yaab lehna ay ka sameeyeen gudaha Hoolka shirka.
Xildhibaanada ayaa waxa ay isku raaceen in uu Gudoomiye KMG ah noqdo Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ah 85-jir ka mid ah xildhibaanda Baarlamanka Soomaaliya.
Gudi ka kooban 15-Xildhibaan ayay u saareen Xildhibaanada in ay soo qabanqaabiyaan dorashada guud ee Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo 5-maalmood ka dib la doonayo in la doorto.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.