Calendar

Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland oo ka hadlay qaraxii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo Ammaan darada Deegaanada Puntland.

Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibada ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay haga hadleen dhibatooyinkii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo ammaan darada ka taagan Puntland.

Xildhibaanada Maanta kulanka ku yeeshay Hotelka Nasa-Hablood ayaa waxa ay kaga hadleen dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Muqdisho  gaar ahaan qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada.

Xildhibaanada ayaa waxa ay qaraxaasi ku tilmaameen mid indhaha looga ridayay Bulshada kuwa ugu wanaagsan islamarkaana loo baahanyahay in Dowlada ay wax ka qabato qaraxyada.

Qaraxa ka dhacay Magaalada ayaa waxa ay sheegeen  in uu ahaa mid cadow uu ka danbeeyay balse Dowlada ay dayacday ammaanka dadka wax galka ah.

Xildhibaan Daahir C/Qaadir Muuse oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu ugu baaqay Dowlada in ay xilka iska dhigto hadii kale ay wax ka badasho ammaanka guud Ee Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in looga baahanyahay Xukumada is badal dhanka ammaanka dalka ah isagoo ku cel-celiyay in xilka ay iska wareejiso hadii aanay ilaalin Karin amniga dalka iyo dadka madaxda ah.

Dhanka Kale Mudanayaasha reer Puntland ee Maanta kulanka Muqdisho ku yeeshay ayaa waxa ay ku baaqeen in Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ay wax ka qabato ammaanka deegaanadaasi.

Xildhibaanada ayaa waxa ay isla garteen in Kooxaha qaska ka wada Magaalooyinka Puntland ay yihiin kuwa inta badan ka soo jeeda Magaalooyinka Puntland.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: