Xildhibaanada garabka taageersan Madoobe Nuunoow oo manta Muqdisho Kulanka ku yeeshay .
Kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay C/fataax Ibraahim Rashiid oo ah Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka garabka Madoobe Nuunoow Maxamed kaasi oo sheegay in guddiga maanta la magacaabay ay ka shaqeeynayaan dib u habaynta baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in guddigan howsha ay qabanayaan ay tahay dib u habaynta baarlamaanka KMG Soomaaliya islamarkaana ay isku keenayaan xildhibaanada baarlamaanka tirada ay ka kooban yahiin ee iminka qaarkood maqan.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Odayaasha dhaqanka ee iminka lasoo xulayo uu uga digayo in ay ka shaqeeyaan kala qeybsanaanta ummadda Soomaaliyeed sida uu sheegay.
Madoobe Nuunoow Maxamed oo xildhibaanada baarlamaanka qaarkood ay u doorteen in uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka oo shirkaasi guddoominayay ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanka go’aan uu gaaray kaasi oo ahaa in mudanayaasha ay magacaabeen guddi ka shaqeeya doorashada dalka islamarkaana dhawaan ay qabanayaan doorashadaasi.
Kulanka mudanayaasha baarlamaanka maanta ay yeesheen ayaa waxa uu ku soo adayaa xili mudooyinkii danbe ay socdeyn qorshe lugu midenaayo labada garab ay kala hogamiyaan shariif xasan sheek aadan iyo Madoobe Nuunoow Maxamed hasa yeeshee ay wax natiijo ah aysan ka soo bixin wadahadalkaas labada garab.
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments