Calendar

Xildhibaanada Dowlada KMG ah Ee ka soo jeeda Somaliland oo soo dhaweeyay hishiiskii Axsaabta iyo go’aankii guurtida.

baarlamankaaBartamaha(Muqdisho):-Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Maamulka Somaliland ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyay go’aankii guurtida iyo hishiiskii Axsaabta Mucaaradka.

Xildhibaanada ka soo jeeda Deegaanada woqooyiga galbeed Soomaaliya ee la magac baxay Somaliland oo maanta Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin hishiiska dhexdhexaadinta ah ee laga dhexbilaabay axsaabta Mucaaradka Somaliland.

Mudane.Saleemaan Maxamed Rooble oo ka mid ahaa mudanayaashii maanta Muqdisho ku kulmay  ayaa waxa uu sheegay in aanay doonaynin dagaal iyo isku dhac ka dhaca deegaanada Woqooyi.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray golaha guurtida Somaliland kaasi oo jawi daganaansho iyo isfaham xagga doorashada ah lagu dhexdhigay Soomaaliland.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in aay Soomaali mid tahay islamarkaana aanay aqoonsanayn maamulka doonaya kala goynta Soomaaliweyne balse xagga daganaanshaha iyo nidaamkooda ay jecelyihiin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: