Xildhibaanada dalka ka maqan oo looga yeeray Muqdisho
Bartamaha (Muqdisho):- Xildhibaanada Baarlamanka Ee Dalkaka maqan ayaa looga yeeray magaalada Muqdisho in ay deg deg ku yimaadaan.
Cabdi wali Ibraahim Muudeey oo ah Ku simaha gudoomiyaha Barlamanka ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka ayaa u yeeray dhammaan mudanayaasha dalka ka maqan in ay ku soo xaadiraan muddo 5-Cisho gudaheed ah.
Masuulkan ayaa sheegay in Shirarka Baarlamanka uu u qabsoomi la’yahay sababo la xiriira Kooramka oo buuxsami waayay waxaana uu sheegay in saddex meelood Laba meel ay mudanayaasha dalka ka maqanyihiin.
Masuulkan ayaa codsaday in ay si deg deg ah xildhibaanada dalka u yimaadaan si shaqooyinka qabyada ah loo qabto waxaana uu farta ku fiiqay shirarka ay noqdeen kuwa aan qabsoomin shaqooyin badana ay dayacanyihiin.
Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Baarlamanka waxa uu sheegay in qoraalo badan iyo Mowshino badan ay hadda fara ku hayaan gudoonka Baarlamanka oo ay la’yihiin xildhibaandii ay u bandhigi lahaayeen.
Dalabka gudoonka Baarlamanka iyo Xildhibaanada dalka ka maqan ayaa imaanaya xilli xukumada ay soo gudbisay Miisaaniyada sanadka iyadoo loo la’yahay mowshinkaasi cidii ka doodi lahayd ka dibna ansixin lahayd.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments