Calendar

Xildhibaanada Baarlamaanka ee shaqo la’aanta soo wajahday iyo Madaxda Hotelada Muqdisho maxaa kala haysta (Xog-rasmi ah).

baarlamanka maantaBartamaha(Muqdisho):-Mudanayaasha Baarlamanka Dowlada Soomaaliya ayaa intooda badan waxa ay yihiin kuwa waysan mishaarkii ay xaqqa u lahaayeen taasi oo ay dheertahay Shaqo la’aan ku haysata Magaalada.

Mudane Baarlamanka Soomaaliya ka mida oo u xog-waramay Warbaahinta www.Bartamaha.Com ayaa waxa uu sheegay in ay la’yihiin mushaarkii ay lahaayeen isagoo xusan in taasi ay dheertahay shaqo la’aan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu soo tooso abaaraha 8:00-Subaxnimo isagoo soo wajaha qeybta raashinka ee Hotel uu Muqdisho ka daganyahay waxa uuna sheegay in maalin waliba lagala hadlo dhanka Xisaabta iyo buuga u furan.

Mudanhaasi ayaa sheegay in xiliga uu la kulmo hadalada uu dhibsanayo ee ku aadan raashinka uu cuno iyo Jiifka Hotelka ayuu sheegay in uu soo fariisto Hotelka qeybta fadhiga si uu ula sheekaysto saaxiibadiisa kale.

“Maalintii oo idil waxa aan isweydiiyaa waqtiga dheeraantiisa…ma haayo shaqo aan waqtiga ku lumiyo ma jiro meel aan aadi karo sababo dhanka ammaanka ah xitaa xiliyada qaar waxaa ka fakarayaa gaariga aan qaadanayo shidaalka ku baxaya…adeer ma waxaas ayaa jago dal loo qabtaa ma shaqo aya na haysata laakiin Bulshada nama ogsoona “ayuu yiri mudanahaaso oo rajo xumo muujinayay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu doonayo ugu yaraan wax ogaada bal qaabka ay ku noolyihiin Xildhibaanada qaranka maadaama la moodo in ay shaqo badan hayaan oo ay Kooxo beegsanaya ay jiraan.

Xildhibaanka www.Bartamaha.com u sheekaynayay ayaa dhanka kale xusay waxa ay ku fadhi diriraan Xildhibaanada isaga la midka ah isagoo shaaciyay in ay ka hadlaan sidii masuul xilka looga qaadi lahaa iyo sidii loo burin lahaa ama loo diidi lahaa mooshin laga yabo in la soo gudbiyo.

“Maalin waliba Dowlada ayaan dhisnaa midna waan duminaa waayo wax aan qabano oo kale malahan …aaway shirkii sharciga ahaa? Aaway gunadii aan xaqqa u lahayn? Waa arimaha kaliya ee nagu kalifaa in aan waqtiga ku lumino Hoteelada Magaalada….”ayuu yiri Mudanahayaasi Baarlamanka ah.

www.Bartamaha.Com ayaa Xildhibaankaasi ka dalbatay in uu sawir ka siiyo xiriirka kala dhexeeyo Madaxda sar sare ee Baarlamanka.

Xildhibaankaasi oo ka mida mudanayaashii ka soo galay dhinaca Isbahaysiga ayaa waxa uu sheegay in gudoomiyaha iyo ragga ku xigaa ay qaabilaan asxaabtoodii hore ee Baarlamanka Dowladii hore ay iskula jireen islamarkana ay mararka qaar ka damaanad qaadaan lacagaha looga leeyahay Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka www.Bartamaha.Com la hadlayay ayaa dhanka kale sheegay in laga soo nacay Mudanayaal badan oo asxaabtiisa ah Hoteelo ay magaalada ka daganaayeen maadaama maalin  waliba ay sii socanayso daynta lagu yeelanayo iyo Hoteelada ay daganyihiin oo ah kuwa qaali ah maadaama loo xilinayo dhanka ammaanka.

“Wallaahi markii aan arko asxaabtayda kale oo Hoteelo laga soo eryayo iyo hadalada ay noo adeegsadaan Milkiilayaasha Hoteelada waxaan go’ansadaa in aan Dowlada isaga baxo oo aan ku laabto guri aan ka daganaa Xaafad ka mida Degmada Kaaran oo ay Alshabab haystaan…”ayuu yiri Xildhibaankaasi.

Waa arin la yaab leh oo aan lo ogayn Xildhibaanada Dowlada Soomaaliya ee xiliga shaqeeya iyadoo aan la ogayn halkii ay gashay lacagtii $1200 ahayd ee loo balan qaaday in la siinayo bil kasta maadaama ay yihiin mudanayaasha kuwa isku badan walow dalka ay ka maqanyihiin qaar badan oo Xildhibaanada Dowlada ka mid ah kuwaasi oo ammaanka dartiis uga cararay Magaalada Muqdisho.

Xogta warkaan waa mid u gaar ah www.Bartamaha.Com

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: