Xildhibaanad Caasha oo si kulul ula hadashay Gudoomiye Shariif Xasan.
Bartamaha (Muqdisho):- Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka dhexmuuqata Xildhibaanada xiliyada xaalada culus ay taagan tahay ayaa seefta gasha kala baxday iyadoo weerar afka ah ku qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Baarlamanka.
Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla ayaa waxa ay si kulul ula hadashay Gudoomiyaha Baarlamanka oo ay ku sheegtay nin diidan sharciga islamarkaana afduub ku haysta Xildhibaanada.
Xildhibaanada Caasha waxa ay sheegtay in Shariif Xasan uu doonayo in Khilaafka uu abuuray uu sii baaho si Dowlada KMG ah ee hada dhisan ay meesha uga baxdo sida ay hadalka u dhigtay Xildhibaanada.
“Shariif Xasan ma aha nin sharci yaqaana oo sharciga dhowraya …waxa uu afduub ku haystaa Xildhibaanada mana aha waxa uu ku doodayo mid sharciga dhigaayo….waxaan aaminsanahay in Shariif xasan uu baal marayo shuruucda dalka u dagsan …..Bal ha inaga tuso dastuurka qodob sheegaya in codka loo qaadayo Ra’iisul wasaare cusub laga dhigo mid hoose…” ayay tiri Xildhibaanada.
Xildhibaanada waxa ay Xildhibaanada raacsan Shariif xasan u sheegtay in aanu masuulkaasi ku taagnayn sharci balse uu doonayo duminta Dowlada u dhisay Dalka Soomaaliya taasina ay keeni doonto cawaaqib xumo baahsan.
Caasho Axmed Cabdalla waxa ay ugu danbayntii ugu baaqday Mudanayaasha kale Ee Baarlamanka in ay ka feejignaadaan dhagar ay sheegtay in uu wado Gudoomiye Shariif xasan Sheekh Aadan oo ay isku dhacsan yihiin Madaxweyne Shariif.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments