Xildhibaan Xoosh:- Waxa bilabaynaa sida u casili lahen Gudoomiyaha Baarlamaanka
XIldhibaan Cabdi Raxmaan Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka uu meel uga dhacay sharciga.
Cabdi Raxmaan Xoosh oo ahaa wasiirki hore ee dastuurka DKMG ee xukuumadii Cabdi Wali Gaas ayaa sheegay in ansixinta golaha wasiiradda ay ku dhacday si aan waaqafsaneyn dastuurka Soomaaliya.
“Barnaamijka waxay ahayd in ay soo darsaan xildhibaanada, shuruucdii ayuu meel uga dhacay, taasina waxay keeni kartaa oo uu dhigayaa sharciga in haduu gudoomiyaha baarlamanka waxyaalahan oo kale ku kaco in la casili karo, waana bilaabeynaa sidaan u casili lahayn,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.
“Qodobka 97-aad waxay ahayd in la raaco, mida kale waxay ahayd caadada siday ahaan jirtay in baarlamanka la siiyo 24 saacadood in ay soo aqristaan barnaamijka. Barnaamij aan soo aqrisan aan soo falanqeyn ayuu yiri hala ansixiyo dowladda.” ayuu raaciyey Xildhibaan xoosh
XIldhibaan Cabdi raxmaan Xoosh ayaa waxa uu kamid ah xubno ka tirsan baarlamaaka oo ku doodayay in ra’isal wasaaraha uu soo dhameystiro xubnaha golahiisa ka hor inta uusan hor imaan baarlamaanka, warqadna u gudbiyey gudoonka baarlamaanka oo weedisanayo in arintaas la sameyo.
Ugu danbeyntii waxa uu sheegay xildhibaan Xoosh iney la shaqeyn doonaan xukuumadda cusub, isagoo balan qaaday iney sharciga u adeegsan doonaan gudoonka baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Comments
comments