Calendar

Xildhibaan: Waa u xiisnay talyaanigii na gumaysan jiray luuqadiisa! (VIDEO)

macaane copyBartamaha — Xildhibaan ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaliya ayaa isagoo ka khudbaynaya munaasabaddii soo celinta safaaradda maalintii dhoweyd wuxuu ku hadlay hadal naga daadagi waayay. Xildhibaan Mowliid Macaane ayaa kadib markii uu hadlay safiirka Talyaaniga Soomaaliya u jooga oo ku hadlayay Af Ingriis wuxuu ku wareegay mikrafoonka si uu isagana uga hadlo muhiimadda maalintan oo kale.

Laakiin hadalada uu raaciyay ayaa ah kuwo meel uga dhacaya Luuqadda Soomaaliga. Waxaase naga suaala Xildhibaan maadaama aad Talyaaniga sidaas u jeceshahay sharcina aad soo qori karto maad Luuqadda koowaad oon ku hadalno ka dhigto AF TALYAANI?

Daawo:

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: