Xildhibaan Tarsan oo noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Bartamaha (Muqdisho):-Xildhibaan ka mid ahaa Baarlamanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore.
Xildhibaan Axmed Nuur “Tarsan” oo ahaa mudane ka mid ahaa Baarlamanka KMG ah ayaa maanta noqday gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho kaasi oo si rasmi ah xilka ula wareegay.
Xildhibaankasi xilli ahaa Mudane ka mid ah Baarlamanka ayaa maanta si rasmi ah loogu magacaabay xilka gudoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo xilkii kala wareegay gudoomiyihii hore Ing.Nuune.
Munaasabada maanta dhacday ayaa waxaa xilka kula wareegay Ex-Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kaasi oo dhawaanahan u taagnaa qabashada xilkaasi gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Xildhibaanka haatan noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka soo jeedaa Isbhayasiga Madaxweyne Shariif uu hogaamin jiray ee ARS kaasi oo haatan si weyn dowlada qeybaheeda ula wareegay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya.
Comments
comments