Xildhibaan C/qaadir Ciro oo ku baaqay in Burcad Badeeda la taageero.
Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan ka mida Golaha Baarlamanka ayaa shaaca ka qaaday in uu u doodaypo Xuquuqda Burcad Badeeda oo uu sheegay in uu u yaqaano Xaq u dirir Xeebaha Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir C.qaadir Ciiro oo saxaafada la hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in raga lagu tilmaamo Burcad Badeeda aanay ahnayn Burcad isagoo sheegay in ay difaacanayaan Xeebahooda Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro waxa uu ku baaqay in la taageero raga Burcad Badeeda ay adduunka ula bexeen isagoo balan ku qaaday in uu u doodayo xilli waliba raggan dagaalka lagula jiro oo uu muujiyay in aanay qalad ka galin dalka.
Xildhibaankan waxa uu ku baaqay in Maxkamad haddii la soo taagayo raggaasi loo baahanyahay in dalka gudihiisa lagu maxkamadeeyo isagoo sharci daro ku tilmaamay Maxkamadaha ay furanayaan Midowga Yurub iyo dalalka kale.
Hadalka Xildhibaankan ayaa imaanaya xilli Burcad Badeeda dagaal dhinacyo badan ah lagu haayo taasi oo dhibaata badan ay ka soo gaartay raga Burcada Badeeda loo yaqaano ee Xeebaha Soomaaliya afduubyada ka sameeya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments