Xildhibaan Saleebaan Maxamed ibraahim oo madaxda dowlada KMG Soomaaliya in ay sharcigii u yaalay dalka ay ka talaabsadeen.
Xildhibaan Saleebaan Maxamed ibraahim oo ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay madaxda dowlada KMG Soomaaliya in ay sharcigii u yaalay dalka ay ka talaabsadeen.
Xildhibaankaan ayaa wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in sharciga la ilaaliyo wuxuuna tilmaamay hadii sharciga laga tago in ay wax badan qaldoomi karaan.
Saleebaan Maxamed Ibraahim ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in madaxda dowlada KMG ay haatan dadaal badan ugu jiraan in lameel mariyo dastuurka cusub oo aanan sharci ahayn.
“raysal wasaare Gaas wuxuu sheegay in dastuurka la meel marin doono ama sharci ha ahaado ama sharci daro ha ahaado ayuu yiri marka madaxdii ayaa sharciga ka talaabsatay’” sidaa waxaa yiri xildhibaan Salaabeen Maxamed Ibraahim.
Wuxuu sheegay sidoo kale xildhibaankaan ka tirsan baarlamaanka KMg Soomaaliya in dastuurkaan uu yahay mid dhibaato ku noqon kara shacabka iyo dalka.
Hadalkaan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili haatan dadaal badan loogu jiro in la meel mariyo dastuurka cusub ee wadanka Soomaaliya, waxaana haatan gudiga dastuurka madaxa banaan ay ku jiraan howshoodii ugu danbaysay.
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
hassanarab007hotmail.com
Comments
comments