Calendar

Xildhibaan Saciid Xasan Shire:- waan isaga baxay Baarlmaanka Dowladda KMG.

aaa

Bartamaha (Bosaaso):- Shir jaraa’iid oo uu maanta ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Xildhibaan Saciid Xasan Shire oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Sanaag ayaa waxa uu ku dhaawaqay in uu isaga baxay kamid ahaanshiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya islamarkaana uu iska casilay xilkii uu ka hayay.

Xildhibaan Saciid Xasan Shire oo mudooyinkii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka bixitaankiisa Baarlamaanka Somalia ku sababeeyay arimo faro badan oo ay kamid tahay dowladda KMG Soomaaliya oo aan ku guulaysan in ay gacanta ku dhigto dhamaan gobolada dalka Soomaaliya iyo waliba heshiiskii dhanka Badda ee ay wada galeen dowladda KMG ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya.

Xildhibaankan ayaa waxa uu noqonayaa Xildhibaankii 2-aad ee ku dhawaaqa in uu isaga baxay kamid ahaanshiyaha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya, waxaana ay aheyd dhaawan uun markii Xildhibaan Saalax Nuux Badbaado oo isna kamid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka uu ku dhaawaqay in uu isaga baxay kamid ahaanshiyaha Baarlamaanka kadib markii uu eedaymo u jeediyay Gudoonka sare ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee arimahan oo idil ayaa waxa ay imaanayaan xilli magaalada Garoowe ee Caasimada maamul goboleedka Puntland ay dhawaan gaareen Mudanayaal katirsan Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya kuwaasi oo uu hogaaminayay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: