read more »">
Calendar

Xildhibaan Prof Ilka Dahab oo Taageero u Helay Xukuumada Farmaajo

[slidepress gallery='xildhibaan-prof-ilka-dahab-oo-taageero-u-helay-xukuumada-rwasaare-farmaajo']Sofiya-Bulgariya:Waxaa maalintii shalay ahayd lagu qabtay Shirkii Nabadeynta Aduunka (Global Advocating Peace) xarunta Sheraton Sofia(Hotel Balkan),shirkaas oo ay ka soo qay galeen madax sarsare oo EU ,Aasiya,afrika iyo Wadamada Latin Amerika.

Shirkaas oo lagu falanqaynayey ama diirada lagu saarayey meelaha aduunka dhibaatada iyo colaaduhu ka jiraan oo aad u soo badanaya,balse waxaa nasiib u helay ama in lagu soo qaato oo looga hadley wadamada geeska Afrika ee colaaduhu ka jiraan sida Somaaliya iyo Sudaan.

Xildhibaan Prof Ilkadahab Foreign minister NikolayFuritaankii shirka waxaa furay President of Atlantic Club-NATO Dr solomon Passy oo ka hadlay waxa shirka looga hadlayo ama soda uu ku soconayo,waxaanu u kala qaadey laba arimood.

Arinta Nabdeynta ama gacansiinta wadanka dagaalku ku habsadey ee Somaaliya muddo 20 sanno ah ,asagoo farta ku fiiqa in la taageero ama la garab istaago dowlad kasta, maamul kasta iyo cid walba oo nabdeyn iyo kala danbeyn ku soo dabaali karta dhulkaas Somaaliyeed,waxaanu raaciyey intaas inay nabadayntu dan u tahay dhamaan aduunka iyo geyiga ku xeeran dalkaas xitaa marinka badda cas iyo badweynta Hindiyaba ay nabad noqonayaan oo gaadiidka Baduhu nabad gelayaan.

Arinta sudaan oo laba weji leh Nabadeynta daarfuur iyo Madaxbananida Konfurta Sudan oo laga cabsi qabo colaado hor leh iyo dagaalo lagu baaba´o oo daba dheerada sidii somaaliya,ruwanda, kongo IWM,. ayadoo Konfurta Sudan weli aan la isla meel dhigin qaybsigii Qayraadkii Shidaalka ee gobolka Abyan.

Ka dib intaas waxaa la wareegay wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Bulgariya Mr Nikolay Mladenov oo ka hadlay qiimaha nabadeynta kuna soo qaatey inay dowladiisu u sare istaagtey wax ka qabashada nabada Somaaliya oo ay Ciidamo ku biiriyeen kuwa NATO ee ka howl gala xeebaha Somaaliya isla markaana ay diyaar u yihiin inay caawiyaan Dowlada Somaliya iyo Maamulka Puntland ha noqoto Tababarka Ciidanka iyo Tayaynta intaba, arinka sudaan waxaanu ku eegaynaa il gaar ah waxayna u baahan tahay ka fiirsi badan xiligan kala guurka ah ayuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey.

Waxaa ayana ka hadeshay R-wasaare ku-xigeenka Dowlada bulgariya mrs Bukjieva waxayna sii labanlaabtay xoojinta iyo u istaagida Nabadeynta Aduunka ayadoo balan qaadey inay dowlada ay ka midka tahay caawin doonta wadamadaas dhibaatadu ka jirto ee Somaaliya iyo sudaan .

Waxaa uu Prof maxamed xuseen ilkadahab intaas ka dib la hadlay oo uu shir la qaatey Golihii wasiirada ee dowlada bulgariya intii shirka joogtey oo ay hogaamineysay Vice-Primier minister mrs Bukjieva, wasiirka arimaha dibada,maaliyada iyo kuwo kale, asaga oo kala hadlay codsiyana u gudbiyey sidii loo caawin lahaa dowlada somaliya ee madaxda ka yahay Dr mohamed farmaajo iyo maamulada Puntland iyo somaliland.

Waxaa asaguna ka hadlay safiirka sudaan ee Wadamada Balkanka oo aad ugu dheeraadey dhibaatada ka jirta wadankiisa.
Shirku waxuu ku dhamaadey jawi aad u heer sareeya ayadoo la isla gartey in wax horumar ahi ka soo baxayaan.

RBC Radio

Raxanreeb.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta and tagged .
« »

Comment: