Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo booska kala baxaya Prof.Dalxa.
Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud ayaa maanta shaaca ka rogay in uu u taaganyahay xilka Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka Soomaaliya.
Mowliid Macaani oo ay ehel wadaag yihiin Prof.Dalxa Gudoomiye Xigeenka 1-aad ee Baarlamanka oo weli ku dhagan kursigiisa balse dalka ka maqan ayaa waxaa boosaasi doonaya in uu ciriirsado Mowliid Macaani.
Xildhibaan Macaani oo saxaafada la hadalayay ayaa sheegay in xilka ay beesha uu ka soo jeeday xaqa u leedahay uu yahay Gudoomiye Xigeenka 1-aad isagoo sheegay in aanu marnaba ka dheeraanayn xilkaasi.
Dalxa ayaa ugu baaqay beesha uu ka soo jeedo in ay kala shaqeeyaan sidoo uu u heli lahaa Jagada banana oo Dalxa uu doonayo in uu ka baneesto Mowliid Macaani oo waayadan aan xil qaban.
Xildhibaankan ayaa waxa uu sheegay in uu u taaganyahay qabashada Xilka uu haayay Dalxa isagoo ka dalbaday saaxiibkiisa in uu jagadaasi ka tanaasulo maadaama uu in mudda ah haayay.
Xildhibaan Macaani ayaa muujiyay sida uu u gudan karo waajibka dalka ka saran isagoo ku faanay in uu aqoon u leeyahay qabashada xilkaasi Gudoomiye Xigeenka Baarlamanka ah.
Waa masuulkii ugu horeeyay ee isku soo sharaxay xilka Gudoomiye Xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments