Calendar

Xildhibaan Maxmed Qanyare oo digniin u jeediyay Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya .

qanyareBartamaha (Muqdisho) :-Mudane Maxamed Qarnyare Afrax ayaa digniin u jeediyay mudanayaasha Baarlamanka oo uu sheegay in ay dhibaato keeni karto diidmada go’anada ay dowlada ka dalbato ansixinteeda.

Maxamed Qanyare ayaa sheegay in Mudanayaasha Baarlamanka ay yihiin kuwa aan qaarkood aqoon u lahayn bad’baadinta dalka taasina ay keeni karto dhibaato dalka uu sii galo.

Xildhibaanka ayaa uga digay Baarlamanka in ay ka horyimaadaan go’aanada ay dowlada Soomaaliya soo goyso isagoo sheegay in dowladan aanay la mid ahayn dowladihii dalka soo maray oo uu sheegay in ay ahaayeen danaystayaal.

Mudanahaasi ayaa ka digay in dalka la galiyo dhibato ay baarlamanka horseedaan isagoo tilmaamay in shalay mudanayaasha qaarkood ay isku dayayeen in dalka aan lagu soo rogin taasi oo uu tilmaamay in khatar xoogan ay sababi lahayd.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan qanyare ayaa ku soo aadaya xilli dowlada soomaaliya ay wado qorshayaal ay wax uga badalayso ammaanka dalka soomaaliya iyadoo xilidhibaanada qaar ay u uloleynayaan taageerida go’aan waliba oo dowlada ay soo saarto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: