Xildhibaan ka tirsan barlamaanka puntland oo lugu dilay galkacyo.
Wararka aan ka imanaaya magaalda galkacyo ayaa sheegaya dableey hubeysan ay ku dileyn magalaadaasi xildhibaan ka tirsan barlamaanka puntland islamarkaana ay gobta ka baxsadeen ragii dilka gestay.
Xildhibaanka oo lagu magacaabayay C/raxmaan Axmed “ Kudhaa“ ayaa waxa la sheegay in labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado ay ku toogteen nawaaxiga dugsiga sare ee Cumar Samatar oo ku yaalla waqooyiga Galkacyo kuwaasi oo markiiba baxsaday.
xildhibaanka ayaa la sheegay markii ay rasaasta ku dhufteen dableyda hubeysan waxaa la sheegay in dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaal ku yaalla magaaladaasi halkaasi oo uu ku geeriyooday. waxaana falka kadib halkaasi soo gaaray ciidamada Nabad sugida Puntland oo baaritaano ay goobta ka sameeyeen ku qabqabteyn dad loga shakiyay dilkaasi.
Ciidamada amaanka ayaa balanqaaday iney sii wadi donaan holgalada ay ku rad jogaan dadkii dilka gestay sidii ay sharciga u soo hortaagilahayeen
Falkaan dilka ah ay loo gestay mudanaha ka tirsanaa barlamaanka puntland ayaa waxaa loo anenayaa amni xumada la soo diristay magaaladaasi waxaa mudooyinkii danbe ku soo badanaayay magaalada galkacyo falal amni xuma ah ay ugu weyntahay dilalka qorsheysan ay ka dhaca malin waliba magaaladaasi iyo isla markaana xalay lugu dilay magaaladasi C/raxmaan Axmed “ Kudhaa“oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa barlamaanka puntland.
Xafiiska wararka bartamaha muqdisho.
Comments
comments