Calendar

Xildhibaan Jini-boqor “ma aha in suuqyada sicir barar la galiyaa…lacag samaynteeda la tashi badan ayay u baahantahay….”.

baarlamankaBartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan ka mida mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa si kulul u weeraray siyaasada Wasiirka Maaliyada iyo qorshaha lagac  cusub lagu sameeyo.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Saciid Jiniboqor oo ka mida mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku sheegay lacagta uu doonayo in uu dalka u soo sameeyo wasiirka Maaliyada Shriif xasan.

Xildhibaan Jinniboqor ayaa sheegay in xiligan aan loo baahnayn in dalka loo sameeyo lacag cusub taasi oo sabab u noqon karta in dadbadan ay suuqa ka baxaan oo sicir barar uu saameeyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka Maaliyada aanu u naxaynin shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada labada dhinac ay kaga socoto isagoo sheegay in dhaqaala la’aan ay jirto iyo dagaal aan dhamaad lahayn.

Xildhibaanka ayaa ku Eedeeyay Wasiirka Maaliyada in uu shaqo ka dhigtay safar iyo socdaal caalamka ah si uu dhaqaale badan u helo islamarkaana aanu ka naxaynin shacabka matada ah sida uu xildhibaan jinni boqor ku Eedeeyay masuulkaasi.

Xildhibaanka ayaa ka dalbaday Wasiiradsa kale Ee Dowlada iyo dhammaan madaxda sare Ee Dalka in laga gaaro qorshaha lacagta lagu soo daabacayo isagoo sheegay ion Qatar badan ay sabab u noqon karto.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: