Calendar

Xildhibaan iyo Wasiiro kasoo jeedo Beesha Hawiye oo kulan ka dhan ah Islaamiyiinta ku yeeshay Muqdisho.

xildhiBartamaha/RBC (Muqdisho):-Beesha Hawiye ayaa wado qorshayaal ay uga arrisanayso dagaalada weli kasii socda gobalada ay Beeshaasi ka degantahay Gobalada Koonfureed ee dalka Somalia.

Kulan balaaran oo ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaanada Beesha Hawiye ayay ku sheegeen in ay iska difaaci doonaan Kooxo ay ugu yeereen Nabad diid.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Nasa Hablood Two ayay uga baaraan degeen sida ugu fudud ee gacanta dowladda loogusoo celin karo Gacanta dowlada gobalada maqan.

Sponsored Link | Watch New Somali Film

Xildhibaanada kala ah Muuse Suudi Yalaxoow iyo Max’med Qanyare Afrax ayaa goobta ka sheegay in loo baahanyahay in si midaysan loo dhiso ciidan ka dhan ah Islaamiyiinta.

Sidoo kale waxaa kulankii maanta hadal ka jeediyay C/raxmaan Cabdi Shakuur oo ah wasiir katirsan dowladda kanasoo jeedo Beesha Hawiye.

Gaba gabadii kulanka ayay Wasiiradu sheegeen in Dagaalyahano ay Ajaanib ku tilmaameen ay ka dagaalamaan magaalada Muqdisho iyo gobalada ku xeeran.

Si kastaba ha ahaatee Madaxda dowladda ee Beesha Hawiye kasoo jeeda ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabtaan Xoogaga Islaamiyiinta ee dowladda diidan oo badankood ay Hawiye yihiin.

Bartamaha/RBC Muqdisho

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: