Xildhibaan Hanjabaad cad u jeediyay Dowlada Koonfur Kuuriya
Bartamaha (Muqdisho):- Mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa u hanjabay Dowlada Koonfur Kuuriya oo uu ku sifeeyay mid cirib jaraysa dhalinyarada soomaalida.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa fariin dhamaystiran oo hanjabaad ah u diray Dowlada Koonfur Kuuriya oo uu sheegay in ay tahay mid iska disha dhalinyarada soomaaliyeed oo aan eegin wax xuquuq ah oo ay leeyihiin taasi oo arxan daro iyo damiir xumo ku tilmaamay.
Xaabsade waxa uu daaha ka rogay in South Kuria loo haysto dilka wiilal soomaali ah oo ay u taqaano Burcad Badeeda basle uu xildhibaanka u yaqaano difaacayaal iyo Xuquuq raadis lagu dul dilay Markab Kuuriya laga leeyahay oo ay qafaasheen dhalinyaradaasi.
Xildhibaankan waxa uu ugu baaqay Kuuriyada Koonfureed in ay dhiiga ay daadisay mag dhow ka soo bixiso islamarkaana xuquuqda dadka ay dishay ay deg deg u keento maadaama ay dharaar cad laysay dhalinyaro Soomaali ah oo badooda ay ku soo weerartay.
Xildhibaankan difaacaya Burcad Badeeda ayaa waxa uu ugu hanjabaday Kuuriyada Koonfureed in laga aar goosan doono oo la laynayo qof walba oo dalkeeda u dhashay hadii aanay dhiiga ay daadisay aanay bixin magdhow giisa isaga oo dhalinyarada la laayay ku sifeeyay kuwa soomaali ah oo aan meel cidla ah ka dhalan.
Hadalka mudanahan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee uu jeediyay nin masuul dowlada soomaaliya ka tirsan tan iyo markii markab dushiis lagu dilay 5-dhalinyaro Burcad Badeed ah oo Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ay ku dul dileen markabkii ay haysteen.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika
Comments
comments