Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur “Shariif yaanu soo fara galin shaqada Baarlamanka…Anaga jagadiisa kuma haysanee…”.
Bartamaha (Muqdisho):- Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur oo ay saaxiiba dhow ahaayeen Madaxweyne Shariif ayaa haatan u soo jeestay ka hor’imaadida Fikir walba oo uu Madaxweynaha wato.
Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur waxa uu daaha ka qaaday in Xildhibaanada ay la yaaban yihiin sababta ku kalifaysa in Mad axweynaha uu soo galo Howlaha u gaarka ah Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya.
Xildhibaankan waxa uu jawaab culus ka soo bixiyay war qoraal ah oo shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha kaasi oo uu Madaxweynaha uga hadlayaya arimo ku aadan Khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Shariif Xasan.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur waxa uu cadeeyay in Madaxweynaha uu ka soo gudbay shaqadiisa isalamarkaana uu galay Howl aanu shaqa ku lahayn taasi oo u muuqanaysay mid Xildhibaanka uu ku weerarayo Madaxweynaha.
“Shariif Sheekh Axmed yaanu soo fara galin shaqada Baarlamanka….Xildhibaanada way yaqaanaan wixii dani ku jirto ma aha in Madaxweynaha uu na faro waajibaadkeena ama Howlaheena gaarka ah,Hadii aan xildhibaano nahay anaga jagadiisa kuma haysano Madaxweynaha ee hanoo daayo shaqadeena gaarka ah…”. Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur.
Hadalka Xildhibaanka ayaa waxaa laga dhadhansanayay in uu si aad ah uga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya hadalada ka soo yeeraya ee ku aadan in uu dalbanayo Codayn deg deg ah oo loo sameeyo Ra’iisul Wasaare Farmaajo oo aan kalsooni la siinin.
Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa hadda waxa uu ka mid yahay Xildhibaanada ugu tunka weyn qorshaha lagu doonayo in Codaynta loo samaynayo Ra’iisul Wasaraha Cusub laga dhigo qaab qarsoon Kifirkaasi oo ay ku kala tageen Shariif Xasan iyo Shariif Sheekh Axmed oo ahaa raggii dowlada jirta isugu dhawaa.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments