Xildhibaan Cashara “Xukumada la dhisay looma dhama…”.
Bartamaha (Muqdisho):- Xildhibaan ka mida mudanayaasha Baarlamanka ayaa daaha ka qaaday in Xukumada la dhisay aanay ku qanacsanayn .
Mudanahan ka mida Baarlamanka ayaa shaaca ka qaaday in xukumada cusub ee haatan la dhisay ay tahay mid aan loo dhamayn.
Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay qaadaceen Xildhibaanmada Beesha Sanaag bari dhammana xukumada haatan la soo dhisay.
Xildhibaan Cashara waxa uu sheegay in
Xildhibaankan waxa uu xusay in Xildhibaanada Sanaag Bari ay aaminsan yihiin in Xukumada aan laga fiirsan dhismaheeda islamarkaana aan lagu soo dhisin 4.5.
“Hadii aan nahay Xildhibaanada Sanaag Bari waan qaadacnay xukumada Cusub ma aha mid sharciga ku dhisan…anaga dowlada waxa aan ku soo galnay 4.5 balantiina way ka bexeen ….marka wax aan ka dhex qabanayno malahan…..” ayuu yiri Xildhibaan Casharo.
Xildhibaankan ka soo jeeda Sanaag bari ayaa hadalkiisa waxa uu u muuqanayaa mid dhaawacaya xukumada cusub ee haatan la dhisay taasi oo ay iska waayeen shaashada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments