read more »">
Calendar

Xildhibaan Baarlamanka ka tirsan oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya Ee Dalka China.

dheegBartamaha(China):-Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka KMG ah ayaa loo magacaabay Safiirka Soomaalida u fadhinaya Dalka China kaasi oo dhawaan xilka la wareegaya.

Kulan ay wasiirada Xukumada KMG ah ay qaateen ka dib ayaa waxaa safiir loogu magacaabay Dalka Shiinaha Xildhibaan Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg) oo Baarlamanka ka tirsan.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg) ayaa loo magacaabay xilka safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka China, waxaana la badalay safiirkii hore Maxamed Axmed Cawil oo la faray in xafiiska uu ku wareejiyo Yuusuf Dheeg.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa waxaa lagu xusay in Safiirka uu dhawaan shaqada lka wareegayo waxaana si rasmi ah loogu wareejinayaa dhammaan Decomentiyada safaarada.

Wareegtada safiirkan Cusub lagu magacaabay ayaa imaanaysa xilli Xukumada KMG ah ay iska casileen wasiiro aad u badan waxaana ay sidoo kale ku soo beegmaysaa xilli safaarado badan albaabyada ay u laabtay wasaarada arimaha Dibada oo amar hore ku xertay Xarumo badan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: