Xildhibaan “Somaliland kama maaranto Soomaalida inteeda kale…â€
Bartamaha(Muqdisho):-Xildhibaan ka mida Mudanayaasha Baarlamanka KMG ah ayaa si kulul u weeraray qorshayaasha madaxda Somaliland .
Xildhibaan dhalasha ahaan ka soo jeeda Soomaaliland ayaa si kulul u weeraray hamiga madaxda Somaliland ay ku doonayaan in ay uga go’aan soomaaliya inteeda kale.
Xildhibaan Saleymaan Maxamed Ibraahim oo ah mudane ka soo jeeda
Deegaanada Woqooyi galbeed Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland ayaa sheegay in aanay qoys kaliya noqon Karin Dowlad.
Xildhibaan Suleymaan ayaa sheegay in Masuuliyiinta Somaliland ay haatan doonayaan in doorashada ka dib ay Cod u qaadaan magaca weli lagu tilmaamayo oo weli aan ka harin kaasi oo ah Soomaaliya inteeda kale .
“Somaliland kama maaranto Soomaalida inteeda kale… waayoo qabiil ama qoys kaliya ma noqon karo Dowlada ….Soomaaliya waa mid oo leh magaca soomaaliweyn …â€ayuu yiri mudanahaasi.
Hadalka Xildhibaanka ka soo jeeda Somaliland balse ka mid ah Baarlamanka KMG ah Ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli doorasho ay ka socanayso Deegaanada Somaliland.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments