Xiisadaha xamar iyo xaalada nololeed
Hordhac
Magalada xamar aya bari aheyd magaalo aad unabad badan,oo dalxiisayaasha caalamku aad u daneynayeen, waxa eyna xamar leedahay xeeb aad uqurux badan, oo qofkii manku katago,ilaah ka sukow u soocelinkarta, marka uu isha laraaco habwanaaga biyaheeda, iyo hiraraka dhaxsabeynaya xeebaha xamar.
magaladan ayaa cuqaashii carbeed waxa ey ugu yeeri jireen (muqdishal qudaraa)oo macnahedu yahay muqdishada cagaaran,taasina waxa ey natu suneysaa in xamar ey xiiseen jireen umado badan oo calamaka ku nool balse waaxiligii ey xamar xurmada laheyd ,xamaer waxa ey sidokle leedahay cimilo aad u wanaagasan iyadoona ey kalin kaga jirto caasimadaha aadka u cimilada wanagsan ee caalamka,balse iminka xamar,xamar dhaaftay oo malahan mooqaaladas wanagsan ee aan ka soo sheegnay, oo waxa ey noqotay meel bahalo galeen ah oo ey ku rafteen wax magarato ana xur meyneyn xadaaradii ey laheyd xamar iyo xoriyadii lagu xasuusan jiray intaba.
Xiligani magalada moqdisho marka laga hadlayo xaaladeeda inta badani waxa ey wariyayaashu katabiyaan warar ubadan Dhimasho,dhaawac, iyo warar Dhiilo cusus xambaarsan,waxana ad ugu yar wararka bidhaaminaya Baraaraha iyo Baashaalka bulshada oo ey caanku aheyd magalada muqdisho, iyadoona ey magaladan ku xeel dheered xadaarad la socota caalamka intiisa kale,oo waxa ey xibinka aheyd magaalooyinka,ka xurmeysan dunudan aan guud keeda ku noolnahay,balse iminka mudo eyey moogtahay muqdisho macnihii ey kulaheyd aduunka manta halka tuulo noqday,waana mida igu kaliftay in an wax kaqoro xaalada xiligani ey ku sugan tahay magalada muqdisho oo aan jecelahay in aan wax xoogaa kahadlo xaalada nolosha dadka kudhaqan magalada xamar iyo sida ey ula qabasadeen xabada joogtada ah ee ka dul dhaceysa xili kasta.
xiligan iyo xaalada xamar
Marka aad maqasho magalada xamar, ayaa waxa ey guud ahan xibnahaago soo xusuusanayaan xiinka xabadaha, iyo xagaldaacinta xuquuqda aadanaha oo ey xamar ku xeeldheertahay, mudo 20sano ahna ey xabad iyo xur guf siyaasadeed kajirtay, balse waxa u siidheer xiligani in xamar ey kabaxday xeendaabka xasiloonida calamka,isla markaana ey usahlantahay suxufiyiintu marka laga hadlaayo xalada xamar in ey wax ka qoraan xasilooni darada iyo xumanta oo ey ku xeel dheertaay xamar xiligan,maxa yeelay waxa kuyar erayda loo adeegsan lahaa samaanteeda,maadama mudo 20 sano ah laga tabinayay warara ku saleysan Dil,Dhac,Boob,Kufsi,Burbur,iwm
Waxyaalaha ku sameynaya xiligan ayaa waxa kamid ah, magalada oo labo uqeybsan islamarkana laga dhigay Labo dal oo kale oo xuduud leh ,iyadoona ey dhaqamada labada dhinac ey in yar isweydaarsan yihiin,sida gawaarida B Lka ah iyo goobaha jaadka lagu ii biyo oo labada deegan ee lakala heysto kukala gadisan
Hadii aan soo qaato gawaarida B Lka ah goobaha ey mucaaradku kataliyaan lama ogala in ey is hareer fa dhiistaan raga iyo dumarka iyadoon sidokale amar lagu siiyaya in darawalada gawarida Minabaska ah ey fur furaan miraayadaha dambe ee gaariga iyadoona taasi loogu daneynayo haweenka oo iyago loo asteeyay qeybaha dambe ee gawaarida,halka amaradaasi aan laga qaadan qeeybaha ey ka arimiso dowladu,sidokale dhanka mucaardka suuqyada lagu iibiyo Qaadka ayaa laga dhaxsaaraya bulshada, iyadoona loo asteeyay qeybo u gaar aha,oo kadhaxbaxsan goobaha ey ku ganacsadaan ganacsatada caadiga ah,sidokale kala soocaas kama jirto dhanka dowladu oo weyka dhago la’yihiin oo dani kamaheyso amarada ka imanaya dhanka mucaardaka taasina waxa ey ku tusineysaa in magaaladu labo uqebsantahay oo ey kala dhaqan duwan yihiin labada maamul ee xamar qeybsaday ee kuharadama.
Xoolaa daaqa xamar,oo xarago malahan!!
Qaar kamid ah xaafadaha magalada xamar ayaa xiligani ku arki kartaa xoolo daaqaya,iyadoona taasi loosababeynayo degaanadii cudoonaa ee laga barakacay oo duur isku badalay, kadib markii ey isku kaashadeen geedka loo yaqaan geed yahuudka iyo cidlo,sidaana ey xoolihii daaqi jiray duleedka magada muqdisho ey ku soo hawoodeen qaar kamid xaafadaha magalada muqdisho,sidokale taasi badalkeeda waxa xiligani adag in aad xamar ku aragto dhalinyaro xara gooneysa,waxana boqolkiiba in kayar Hal ah in ey in dhaahagu qabtaan barbaar ulabisan si ey nabadi ka muuqato,oo ey uceensantahay dhaxdu,ama ey dhaxdu u xidhantahay,iya doona inta ku dhiirata labiska ceenkaa ah eysan ka soo bixi Karin xaafadahooda sababa jira awgeed,mana jirto xiligani xamar xarago iyo xirfad shaqo in la xeeladeeso nolosha mooyee.
Sidokale ilmaha ku nool xamar uma yaqaanaa xarfaha qur’aanka,iyo xigmadaha diinta,sida ey ukala garanayaan xiinka xabadaha kaduldhacaya ama daryeenka xabadaha culus ee ka dul dhaca har iyo habeen xahadahooda,taasina waa musiibo horleh oo kuysoo wajahan caruurta somalliyed oo aan heysan waxbarasho iyo daryeel fiican iyadoona ey intaa usii dheertahay barakicin joogtaha oo eysan jaanis u heleyn in ey haldeegan ku xasilaan si ey wax uga bartaan,waxana joogto noqday dagalada soo noq noqonaya ee kadhaca muqdisho,iyadoona xaafadii shalay nabdooneyyt manta laga baraka cayo.
Waxana mac’quul ah in 2(Labadii)daqiiqobo aad maqasho rasaas magalada muqdisho,iydoona ey laqabsadeen arintaasi inbadan oo kamid ah dadka kudhaqan magalada muqdisho,xiliyada qaar waxad arkeysaa meel hub culcusi kadhacayo oo e gawaaridu BLka ku dhiiranayaan in ey galaan,waxa eyna dood kadhax bilaawaneysaa dadka rakaabka ah oo qaarna ku andacoonaya in la joojiyo gariga oo haliista lagagabaadsado,halka qaarna ey ku doodayaan waxan waa iska caadi ee wad gaariga,waxana taasi keenay dagaalada joogatada ah oo ey laqabsadeen dadaka dhibanayaasha ah ee kudhaqan magalada moqdisho e caasimada somliya,sidookale daryeenka hubka cul culus e kadul dhacaya magalada muqdisho ayaa waxa dhawaqooda kala bartaya caruurta yaryar ee kucayaarta xaafadaha magalada moqdisho,iyagoona marka ey madaafiicda ey bilowdaan ku fooriya dhawaqa midka maid ah hubka leysku adeegsanayo,iyagoona kaga gol leh in ey dadka ku cabsi galiya,balse waa ey laqabsadeen bulshadu oo dani kamaheyso hoobiyaha dhacaya,mar haduuna aagooda ku dul dhaceyn oo wey iska dhageysanayaan dhawaaqa hubka iyagoona qaarkood ey ku dhwaaqaan erayadan ( Acuudun bilaah,ixkaar qabayaashaan mey naga dhaafaan xabada,Ala dad masaakiin ah ayan ku baaba aya hoobiyahas,iyo Ilaheyow naga yasir waxan dhacaayo iwm.
Hal qoraal lagumakoobi karo xaalada xamar oo xaafadkastaa ey ka taagantahay xiisad gooni ah,waxa eyna xamar xiligani uxeedxeedaneysaa guluf coladeed oo ey kubaaqayana labada dhinac ee kuhara damaya dalka somaliya,gaar ahan magalada muqdisho haba ugubadnaato hanjabaada dhanka dowladu oo maalamahan dhiilo culaadeed ku baaqda,balse waxa xusid mudan oo ey iska hilmaameen labada dhinac ee kudagaalamaya xamar in ey ku nool yihiin magaladan malaayiin aan Cago,Indho,Dhago,iyo Maan intaba aan qabin oo ana kagabaadsan ka rin gulufkaan dhacaya,isla markaan aan la heyn itaal ey kushaqeystaan,ee ku dhaxnool dadkooda somaliyeed oo ey dhax dawarsadaan,iyagoona an kacarari Karin hubka culculus eeleysku adeegsanayo,halka qaarkoodna eysanba arag kala cararka dadaka kale ee iyaguba dhibanayaasha ah,ee nafta lacararaya oo ma ahan dad dhameysan oo kadhan dadkooda somaliyeed isla markaana u adkeysankara dagalada joogtada ah ee kadul dhacaya har iyo habeen dadka ku dhaqan magalada muqdisho,waxana sidookale jira qaar aan maqal dhiilada colaadeed ee leysku adeegsanayo,ku waasi oo si war la’aan ah ku soo gala goobaha ey dagaaladu ka soconaya iyagoon aan maqlin dhawaqa rasaasta oo war moog ka ah waxa dhacaya ileen dhaguhu wey ka oodan yihiin,waxa sidokale jira malaayiin ey nolashoodu ku tiirsantahay xamaliga, oo maalintii uu dagaldhaco dhabanada qabsada,oo aan deefsan guryahoodana kulaabta iyagoo fara maran,in deeq ilaahey meel kale kasoogalsho mooyee,waxana intaa siidheer in tii dhaawacantaa cisbitaaladu waxa katagan falisaad, oo waxa ey manta mareysaa yaa lacagbadan,waxa eyna sidaadarteed masaakiintu dhiigbax uguu dhintaan irdaha cisbitaalada waaweyn ee magalada mmuqdisho
gunaanad
taaasi oo arimood waxa ey ka dhax guurayaan waa Caloosha magalada caasimada ah ee muqdisho oo aan xiligani xaakina ku xurmeysneyn,cirooluhuna ku ciseyney,tuuguna ku ciqaabneyn, waxana ku xifaaltamay xadaaradii xamar xil dhaan yaal aan xakamenkarin xumaanta socota ,horaa loo yiri xamar waalagu xumeeyee yaa ku xaalmarindoona ?ana waxan kudarayaa qof kii xigmad la how xamar sidee lagu xasilinkaraa?????
W.Q. Abdifitah mohamud ahmed ‘Abaal’
Nairobi-Kenya
+2547 28723526
[email protected]
[email protected]
Comments
comments