Xiisad ka taagan Taleex kadib markii uu halkaa gaaray madaxweyne ku xigeenka Puntlnad
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Cabdi Samad Cali Shire ayaa maanta gaaray degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo ka mid ah deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Khaatumo, iyadoo laga soo sheegayo xiisad inay ka dhalatay tagitaanka wafdiga Madaxweyne kuxigeenka.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo wafdiga Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa waxaa ku wehliya wasiiro ka tirsan Puntland, waxaana wehliya ciidamo fara badan, waxaana markii ay gaareen deegaanka la sheegay inay soo dhaweeyeen waxgaradka, odayaasha iyo qeybaha bulshada.
Cabdi Samad Cali Shire ayaa ka soo jeeda deegaanka, waxaana horay uga soo horjeestay imaatinkiisa ciidamo ka tirsan Maamulka Khaatumo, kuwaasoo markii dambe labo dhinac u kala jabay.
Mas’uuliyiinta uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa la sheegay inay la kulmi doonaan dadka deegaanka, lamana sheegin inta maalmood ee ay qaadaneyso socdaalkooda.
Deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa waxaa ka jira maamul ay kala hogaamiyaan Puntland iyo Somaliland, iyadoo sanadkii hore Maamul ay hoostagaan saddexda gobol lagu dhawaaqay, kaasoo lagu magacaabo Khaatumo State, oo ka madax banaan Puntland iyo Somaliland balse waxaa muuqata in dadka deegaanadaas ay aad u kala qaybsanyihiin taasoo keenaysa inay ka jiraan hal deegaan maamullo kala duwan.
Comments
comments