Xiisad ka dhextaagan Shabaab iyo Xizbul Islaam.
Bartamaha(Muqdisho):-Xiisad Colaadeed xoogan ayaa ka dhextaagan Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo qarka u saaran in ay ku dagaalamaan xaafadaha Muqdisho.
Xiisada ayaa dhalatay markii shalay ay iska dileen labada maleeshiyo Saraakiil sarsare iyo askar ka kala tirsan labada Koox ee Shabaab iyo Xizbul Islaam.
Col.Cabdi Samad Cali oo ahaa sargaal caan ah kana mida Xizbul Islaam ayaa lagu toogtay xaafada Laba dhagax Muqdisho halkaasi oo muddo yar ka dib loo dilay dartiis sargaal shabaab ah iyo Laba ilaaladiisa ahayd.
Jawiga ayaa is badalay waxaana dib u bilowday xaalad kacsanaan ah oo mararka qaar laga dhex dareemi jiray labadan Maleeshiyo oo isku kaashaday xilli hore la dagaalanka Dowlada KMG ah iyo Amisom.
Xiisada ayaa cirka isku shareertay markii Maleeshiyada Alshabaab ay dusha sare ka koreen Masjidka Nasrudiin oo aad ugu dhow Xarunta Madaxtooyada Xasan Daahir iyagoo toogasho ku dilay laba ka mida ilaalada Xaruntaasi.
Iska hor’imaad kooban ayaa ka dhacay Masjidka iyo Xaruntaasi uu ku shaqeeyo Xasan Daahir waxaana illaa saaka la isku horfadhiyaa xaafado badan oo ka mida Muqdisho oo maleeshiyadkaasi wada joogaan.
Wixii soo kordha www.Bartamaha.Com ka daalaco.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi Kenya.
Comments
comments