Xiisad Colaadeed ka tagaan Degmada Ceeldheer Gobolka Galgaduud.
Bartamaha(Muqdisho):-Dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa saaka laga dareemayaa Deegaanadii dhawan ay qabsadeen Ciidamada Alshabaab eek u yaalay Bariga Gobolka Galgaduud.
Sida warka aynu ku helayno waxaa xiisad laga dareemayaan duleedka Degmada Ceeldheer halkaasi oo ay soo gaareen Ciidamo xoogan oo ka mida Ahlu sunnah Wal Jamaaca.
Ciidamada Ahlu sunnah ayaa lagu soo waramayaa in ay weerar rogaal celin ah ku yihiin Degmada Ceeldheer iyo Deegaanada kale sida Masagawaay iyo Galcad oo dhammaan laga qabsaday ahlu sunnah.
Ciidanka Alshabaab oo la filanaayay in ay aadaan Deegaanka Xarardheere ayaa la sheegayaa in saaka ay dib ugu soo noqdeen Ceeldheer si ay u difaacaan Magaalada.
Lama oga waxa ka dhici doono halkaasi maadaama labada dhinac ay yihiin kuwa isku diyaariyay dagaal waxaana jira cabsi dadka soo wajahday.
Wixii ku soo kordha Xaalada Ceeldheer kala soco www.Bartamaha.Com baahiyaha wararka sugan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments