Xiddigaha Madoow ee Ghana oo Serbia cashir udhigay
Koobka Aduunka-South Africa. Kooxda Xulka Qaranka ee Ghana ayaa ciyaartoodi ugu horeysay ee koobka aduunka ka badisay kooxda Serbia. Kooxda Ghana oo loogu magac daro “Xiddigaha Madoow” ayaa soo bandhigay ciyaar xarago iyo xiiso badan leh. Saacadu markii ay maraysay 85 daqiiqo ayuu ciyaartoyga Zdravko Kuzmanovic oo isagu u ciyaar dalka Serbia gacanta ku dhuftay kubad ay xookda Ghana u soo karoosen khadka 18naad ee garoonka. Garsoorihii ayaa hadaba waxa uu xookda Ghana abaal mariyay oo uu udhigay rigoore.
Ciyaartoyga Asamoah Gyan oo isagu ahaa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ciyaarta dhexmartay Ghana iyo Serbia ayaa waxa uu si kalsooni buuxda kujirto u dhaliyay rigoorihii, halkaasna ay kooxdiisa Ghana ku hormartay guushuna ku raacday 1-0. Asamoah Gyan ayaa saacadu markay ahayd 90 daqiiqo wuxuu sigay gool kale, isaga oo nasiib daro kubadii uu sida xaraga lahayd u laagay birta goosha ku dhacday.
Ciyaartan oo kadhacday garoonka Loftus Versfeild Stadium ayaa waxay ka mid tahay ciyaarihii ay maanta isku arkeen kooxaha ku jira guruubka D. Haddaba Ghana ayaa maanta waxay sii xoojisay rajada ay qabaan dadbadani oo iyagu si dheerad ah u taageeraya kooxaha ka socda qaarada Africa. Koobka aduunka ayaa wuxuu ka dhacayaa wadanka South Africa, waana markii ugu horeysay ee koobkan lagu qabto qaarada Africa.
Qalinkii: Abdirahman Mukhtar
Images: Getty Images
Comments
comments