Xeer ilaaliyihii Gobolka Mudug oo lagu toogtay Gaalkacyo
Bartamaha (Gaalkacyo) :- Kooxo Bistoolado ku hubaysan ayaa xalay dilay Xeer Ilaaliyihii Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland.
Koox Bistoolado wadatay ayaa Masjidka Xaafada Garsoor hortiisa rasaas kula dhacay allaha u naxariistee C/qaadir Jaamac Caaqil Nugaal oo ahaa Xeer Ilaaliyihii guud ee Gobolka Mudug kaasi oo rasaas madaxa lagala beegsaday.
Allaha u naxariistee C/qaadir Jaamac Caaqil Nugaal ayaa waxa uu ku hor dhintay masjidka uu ka soo baxay xiliga rasaasta ay la beegsanayeen Koox saddex dhalinyara ka koobnayd oo Bistoolado wadatay kuwaasi oo ku sugayay afaafka hore ee masjidka.
Goobta dilka ka dhacay ayaa waxaa saacad ku dhawaad yaalay maydka marxuumkan wallopw markii danbe ay yimaadeen Booliiska Gaalkacyo oo baadi goob u galay raggi dilka gaystay oo goor hore iska baxday markii ay dileen marxuumkaasi.
Dilkan ayaa waxa uu ka mid yahay dilal qorshaysan oo dablay aan la garan balse ammaanka halis ku ah ay ka gayeen magaalooyin badan oo ka mida Maamulka dowlada Goboleedka Puntland.
Xafiiska Bartamaha Ee Afrika
Comments
comments